Hiiraan – Ciidamada Wadajirka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Macawiisleyda Deegaanka ayaa maalintii labaad wada howlgallo xiriir ah oo ka socda deegaanno ka tirsan Bariga gobolka Hiiraan, kaddib markii kooxda Al-Shabaab ay isku dayeen inay ku dhowaadaan deegaano kale oo hoos yimaada gobolkaas.
Maalintii shalay ayaa dagaal aad u xoogan wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Teedaan, oo ku yaalla Bariga Hiiraan, halkaas oo uu iska horimaad culus ku dhexmaray ciidamada dowladda, Macawiisleyda deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalkaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.
Howlgalkan ayaa ahaa mid ay si wadajir ah u qaadeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda, kuwaas oo iska kaashanaya sugidda amniga iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo la hadlay warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in howlgalladan ay ujeedkoodu yahay ka hortagga guluf dagaal oo ay Al-Shabaab damacsan tahay, kaas oo la sheegay in diyaar-garowgiisu ka socdo deegaanno hoos yimaada Matabaan iyo Baladweyne.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sanadkii tagay ee 2025 la wareegtay magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan Bariga Hiiraan, kuwaas oo ay kamid yihiin Maxaas iyo Moqokori, kaddib dagaallo culus oo halkaas ka dhacay.
Howlgallada socda ayaa imaanaya xilli ay dowladda Federaalka iyo Ciidamada dadka deegaanka ay kordhiyeen dadaallada lagu doonayo in dib loogu xoreeyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxaha Al-Shabaab.



