MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Moalim Fiqi, ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay qorsheyneyso in qaxootiga falastiin laga soo saaro Gaza loona raro gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay “xad-gudub culus oo sharciga caalamiga ah ah.”
Fiqi ayaa wareysi uu siiyay Al Jazeera Sabtidii ku sheegay in Soomaaliya ay heshay xog muujineysa in Israa’iil ay qorsheyneyso in Palestine la geeyo Somaliland, taasoo ka mid ah walaacyadii dheeriga ahaa ee dowladda Soomaaliya ay ka muuqatay.
Tan iyo markii Israa’iil bishii December ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland, maamulka iskeed isu maamula ee gobolka ayaa diiday inuu jiro qorshe qaxootiga lagu raro, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, uu sheegay in qaxootiga Gaza lagu rarayo Somaliland aanay qayb ka ahayn heshiiskooda.
Fiqi ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, inuu ka noqdo aqoonsiga Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay weerar toos ah oo lagu qaadayo madax-bannaanida Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale Israa’iil ku eedeeyay inay dooneyso in sal dhismo milatari ka sameyso Bab al-Mandeb, marin muhiim ah oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isaga oo sheegay in talaabadaas lagu destabilinayo gobolka.
Dhanka Somaliland, Madaxweynaha Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro) ayaa isku dayay inuu dejiyo walaacyada, isagoo sheegay in aqoonsiga Israa’iil aanay la beegsanayn dal kale, hase yeeshee booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa ayaa dhalisay cambaareyn caalami ah oo ka timid 22 dal iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kuwaas oo ku tilmaamay tallaabada “xad-gudub cad oo ku ah madaxbannaanida iyo dhulka Soomaaliya.”
OIC ayaa 57-xubin leh, waxayna shir gaar ah ku yeesheen Sacuudiga bishii January, iyagoo ansixiyay labo qaraar: mid cambaareynaya Israa’iil iyo mid taageeraya dadka Falastiin.
Dowladaha kale ee Muslimiinta ah, oo ay ku jirto Turki, ayaa isku dayay inay ka hortagaan in dalal kale aqoonsadaan Somaliland, iyadoo warar hore loo faafiyay ay sheegeen in dalal ay ka mid yihiin India qorsheynayeen inay raacaan Israa’iil, balse afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda India ayaa diiday, isagoo xusay in India ay taageereyso madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Somaliland inay wadahadal la galaan Muqdisho, isagoo sheegay in haddii ay raacaan dariiqa gooni-u-goosadka, aqoonsi ballaaran oo caalami ah aysan suurtagal noqon doonin iyada oo aan la helin ogolaansho ka timaada dowladda Soomaaliya.




