Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Belgium oo Dibadbax ay Kaga Soo Horjeeda Damaca Aqoonsiga Israa’iil ee Qaybo ka Mid ah Soomaaliya ka dhigay dalkaasi.

0

Brussels, Belgium — Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Belgium, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Farxaan Cali Xasan, ayaa qabtay mudaaharaad ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan waxa  faragelin Israel ay ku hayso midnimada, madax-bannaanida iyo isku duubnida Soomaaliya. Mudaaharaadkan ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta Midowga Yurub ee Brussels, halkaas oo dibadbaxayaashu ay ku muujiyeen dareenkooda iyaga oo watay boorar iyo hal-ku-dhigyo lagu cambaareynayo faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

 

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in tallaabooyinka  Israel ay qaadday, gaar ahaan madax-banaanidda ku aadan arrimaha Soomaaliya, ay dhibaato u keenayaan sharafta iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed. Waxaa mudaaharaadku ahaa mid si nabad ah u dhacay, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay cod dheer ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin faragelinta shisheeye ee saameyn karta mustaqbalka iyo midnimada dalka Soomaaliya.

Mudaaharaadkan ayaa  qeyb ka ah islamrkaana imaanaya xilli ay jireen falcelinno caalami ah oo ku saabsan xiriirka Israel la yeelato qaybo ka mid ah Soomaaliya iyo xasuusinta muhiimada ay leedahay ixtiraamka madax-bannaanida iyo qaranimada dalalka kala duwan. Shaqsiyaad iyo ururo badan oo Soomaaliyeed oo ku nool yurub iyo meelo kale ayaa horey usoo qabtay kulamo iyo dibadbaxyo ay ku muujinayaan taageerada midnimada Soomaaliya iyo diidmada faragelinta arrimaheeda gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here