Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlay Gogol Nabadeed oo loogu Baaqay Madaxda Dalka

0

Garoowe, Puntland — Madaxweynaha Dowladda Gobolleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan uu la qaatay dhalinyarada si cad uga hadlay baaqa loo diray madaxda dalka loona jeediyay in la qabto gogol wadahadal taariikhdu markay tahay 20-ka bishan, isagoo sheegay in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaado qabanqaabada kullankan ay Puntland si buuxda uga qeyb gali doonto, hase yeeshee haddii la diido aysan wax horumar ah ka dhalayn.

 

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay ka qeybqaadashada wadahadallada haddii ay jiraan dadaallo dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed, balse haddii aan la helin is afgarad buuxa ay muhiim tahay in dhinacyada ay isla fahmaan mustaqbalka dalka:

“Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu aqbalo gogoshii loogu baaqay in 20-ka bishan uu qabto, Puntland way tageysaa garteedana way ka dhiibanaysaa, laakiin haddii uu iska diido, awalba waa iska joognay,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada qaarkood, gaar ahaan dhinacyada  uu khilaafkoodu salka ku hayo dastuurka, siyaasadda doorashooyinka, iyo qaabka maamulka dalka.

Dowladda Gobolledka Puntland ayaa horey u muujisay in ay muhiim tahay in la helo wadahadal qaran oo dhammaan saamileyda ay ka qeybqaataan, si loo xaqiijiyo xasilooni, wadajir, iyo mustaqbal dowladnimo oo waara.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in bulshada rayidka ah, ururada bulshada, iyo beesha caalamka ay ku baaqeen in la taageero dadaallada nabadda iyo heshiisiinta si loo yareeyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here