Boosaaso, Puntland — Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ayaa howlgallo ballaaran oo si xooggan loo fuliyay ka wada aagagga ay ku sugnaayeen kooxda Daacish ee Gobolka Bari, kuwaas oo lagu burburiyay fariisimo muhiim ah isla markaana kooxda looga saaray deegaano istiraatiiji ah oo ay ku lahaayeen Buuraha Calmiskaad.
Howlgalladan oo ay si gaar ah u hoggaaminayeen Ciidamada Daraawiishta Puntland, islamarkaana ay taageero ka helayeen saaxiibada caalamka, ayaa lagu guuleystay in kooxda Daacish laga saaro Ceelka Gambara, oo ka mid ahaa goobaha muhiimka ah ee ay kooxdaasi ku sugnaayeen kana qorsheyn jireen falalkooda.
Sidoo kale, Ururka Gantaal ee Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa howlgallo joogto ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday aagga Calmiskaad ku bartilmaameedsaday xubnaha Daacish tirsanaa, iyaga oo kooxda ka saaray deegaano ay ka mid yihiin Buur Deero, Buurta Suuqa, Dal Libaax iyo Buuq Caleed.
Saraakiisha Ammaanka Puntland ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan illaa gebi ahaanba laga ciribtiro kooxaha Daacish ee khatarta ku ah amniga, xasilloonida iyo nolosha shacabka Puntland, iyaga oo adkeeyay in la xoojiyay wada-shaqeynta ciidanka, sirdoonka, iyo saaxiibada caalamiga ah.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Puntland ay kula dagaallamayso Daacsh, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badbaadada muwaadiniinta.



