DHOOBLEY, Soomaaliya — Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shalay gaaray magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, si ay ugu kuur-galaan xaaladaha bini’aadannimo ee ka sii daraya.
Wafdigan waxaa qayb ka ah Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bini’aadannimada, Mr. George Conway, taas oo muujinaysa muhiimadda caalamiga ah ee la siinayo xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada u dhow xadka.
Ujeeddada socdaalka wafdigan ayaa ah qiimeynta xaaladda dhabta ah ee ka jirta degmada Dhoobley iyo deegaannada hoos yimaada, si loo qeexo baahiyaha degdegga ah ee dadka deegaanka iyo sidii loo gaarsiin lahaa gargaar naf-badbaadin ah.
“Socdaalkan ujeedadiisu waa inaan sawir dhab ah ka helno saameynta abaarta iyo baahiyaha degdegga ah ee jira,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adda SoDMA.
Xubnaha wafdiga ayaa kormeer ku tagay xeryaha dadka soo barakacay, iyagoo la kulmay qoysas nugul oo abaartu ay ka dhibaataysay xoolihii ay ku tiirsanaayeen. Dadka deegaanka ayaa u sheegay madaxda in xaaladdu ay tahay mid adag, iyagoo codsaday in lala soo gaaro biyo, cunto iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah.
Soomaaliya ayaa weli ka mid ah dalalka ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, waxaana socdaalkan wadajirka ah uu ku soo beegmayaa xilli ay hay’adaha gargaarku ka digayaan in malaayiin Soomaali ah ay u baahan karaan gargaar bini’aadannimo sanadkan 2026.



