Xasan Sheekh: Imaaraadku ma tixgelin madaxbannaanida Soomaaliya, sidaas awgeed waan baabi’inay heshiisyadii

0

MUQDISHO — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka kaga hadlay arrimihii ugu dambeeyay iyo tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka si loo difaaco midnimada dalka, wadajirka dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed, oo ay ku jirto go’aanka lagu baabi’iyay heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta.

 

Khudbadda qaran ee Madaxweynaha, ayuu ku faahfaahiyay sababaha ay dowladdu u joojisay heshiisyada Imaaraadka, isagoo adkeeyay xuquuqda madaxbannaanida Soomaaliya iyo awoodda dastuuriga ah ee dowladda federaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay heshiisyada ula gashay Imaaraadka niyad-wanaag, iyada oo laga filayay is-ixtiraam iyo xiriir ku dhisan dawlad-dawlad. Hase yeeshee, ayuu xusay in kalsoonidaas ay dhaawacmeen tallaabooyin aan ka tarjumayn la macaamilidda Soomaaliya sidii hal dal oo midaysan oo madax-bannaan.

“Waxaan heshiisyo kula galnay Imaaraadka Carabta niyad-wanaag, balse Imaaraadku uma dhaqmin sidii ay ula macaamilayeen hal dal oo madax-bannaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Marar badan ayaanu ku boorrinnay inay Soomaaliya ula dhaqmaan hal dal, kana joogsadaan hab qarsoodi ah oo ay ku maraan kanaallo kala duwan, kuna fuliyaan hawlo gudaha dalkeenna ah iyada oo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Federaalka.”

Wuxuu intaas ku daray in falalkaas ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka.

“Hawlahan lagu fuliyay iyada oo aan oggolaansho iyo kormeer ka haysan Dowladda Federaalka waxay si toos ah u wiiqayaan madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha. “Kaddib qiimeyn dheer iyo tixgelin taxaddar leh, wax kale nagama harin marka laga reebo go’aankii shalay lagu baabi’iyay heshiisyadii aan la galnay Dowladda Imaaraadka Carabta.”

Madaxweynaha ayaa mar kale caddeeyay in Dowladda Federaalka ay weli u furan tahay iskaashi caalami ah oo ku dhisan ixtiraam, daahfurnaan iyo aqoonsi buuxa oo loo hayo midnimada, madaxbannaanida iyo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, wuxuu hoosta ka xarriiqay in dhammaan go’aannada ay qaaddo dowladdu ay hagayaan danaha qaran ee ugu sarreeya iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ah in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here