Soomaaliya oo taageertay qaraar caalami ah oo lagu sugayo amniga Badda Cas

0

NEW YORK – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida siisay qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo amniga marinka Badda Cas. Marinkan oo ah mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan dunida, ayaa door weyn ka ciyaara isku xirka ganacsiga caalamiga ah iyo dhoofinta tamarta.

Qaraarkan cusub oo tirsigiisu yahay 2812, ayaa lagu bartilmaameedsanayaa khataraha sii kordhaya ee wajahaya maraakiibta ganacsiga iyo sahayda caalamiga ah. Badda Cas ayaa maalin kasta waxaa isticmaala boqolaal maraakiib ah oo sida shidaal iyo badeecado kala duwan, kuwaas oo muhiim u ah dhaqaalaha dunida.

Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ku sugan Qaramada Midoobay ayaa intii ay dooddu socotay caddeeyay inaan amni waara la heli karin haddii aan la ixtiraamin madax-bannaanida dalalka xeebaha ku leh Badda Cas. Waxay sheegeen in xalalka ku-meel-gaarka ah aysan ku filnayn, balse loo baahan yahay in wax laga qabto sababaha rasmiga ah ee keena xasillooni-darrada.

Soomaaliya ayaa soo bandhigtay dhowr qodob oo muhiim u ah xasilloonida gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la dhowro shuruucda caalamiga ah ee badaha iyo in la ixtiraamo karaamada iyo qaranimada dawladaha gobolka. Waxay ka digeen in xadgudubyada ka dhanka ah xeerarka badaha ay saameyn xun ku yeelan karaan dalalka nugul.

Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah xoogga u saartay in hoggaanka amniga Badda Cas ay tahay inay lahaadaan dalalka xeebaha leh. Waxay ku doodeen in dawladaha gobolka ay yihiin kuwa sida tooska ah u dareema dhibaatada, isla markaana ugu aqoonta badan habka ugu habboon ee wax looga qaban karo khataraha jira.

Ugu dambeyntii, Soomaaliya waxay baaq u dirtay saaxiibada caalamka si loo xoojiyo iskaashiga dhabta ah iyo wadaagista macluumaadka sirdoonka. Waxay carrabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay midnimo lagula tacaalo falalka dambiyada ah ee ay ka mid yihiin budhcad-badeednimada, argagixisada, iyo ka ganacsiga sharci-darrada ah ee badaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here