Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ku guuleystay xilkiisii toddobaad, mucaaradkuna diidan natiijada

0

KAMPALA – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku guuleystay xilkiisii toddobaad kaddib doorashooyinkii dalkaas ka dhacay, sida ay shaaciyeen natiijooyinka rasmiga ah ee la soo saaray Sabtidii. Museveni ayaa helay 71.65% codadka, isaga oo ka adkaaday musharraxa da’da yar ee mucaaradka oo ololihiisa ku saleeyay isbeddel kaddib in ka badan afartan sano oo hal xukun ah.

 

Musharraxa mucaaradka ah ee ah fannaan u leexday siyaasadda, Bobi Wine, ayaa helay 24.72% codadka, sida ay muujinayaan natiijooyinka kama dambaysta ah. Bobi Wine, oo magaciisa rasmiga ah yahay Kyagulanyi Ssentamu, ayaa la filayaa inuu diido natiijada doorashada, isagoo ku tilmaamay hanaanka doorashada mid aan caddaalad ahayn.

Wine ayaa ku eedeeyay dowladda in doorashada ay hareeyeen xayiraad internet, ciidamo badan oo la geeyay goobaha codbixinta, iyo afduub loo geystay wakiilladiisii goobaha codbixinta. Eedeymahan ayaa sii xoojiyay shakiga laga qabo hufnaanta doorashada.

Sidoo kale, guddiga doorashooyinka Uganda ayaa wajahaya su’aalo la xiriira fashilka ku yimid mashiinnada aqoonsiga codbixiyeyaasha ee biometric-ga, kuwaas oo shaqeyn waayay maalintii Khamiista, taasoo sababtay dib u dhac ku yimid bilaabista codbixinta magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan caasimadda Kampala oo ah xarun mucaaradku ku xoogan yahay.

Kadib markii ay mashiinnadu shaqeyn waayeen, saraakiisha doorashada ayaa u wareegay isticmaalka diiwaannada gacanta lagu qoray ee codbixiyeyaasha, arrin dhabar-jab ku noqotay dhaqdhaqaaqayaasha dimuqraadiyadda ee muddo dheer dalbanayay isticmaalka mashiinnadaas si loo yareeyo wax is-daba-marin ah. Fashilka qalabkan ayaa la filayaa inuu noqdo saldhigga dacwad kasta oo sharci ah oo laga gudbiyo natiijada rasmiga ah.

 Xigasho wakaaladda wararka ee AP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here