Ciidanka Danab oo Howlgallo Ka Wada Duleedka Kismaayo

0

Kismaayo, Soomaaliya — Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada deegaanno ku teedsan duleedka magaalada Kismaayo, xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Howlgalladan ayaa isugu jira miino baaris waddooyinka muhiimka ah iyo booqasho tuulooyinka lagu tuhunsan yahay in ay AS ku sugan yihiin. Ciidamada Danab waxaa howlgallada wehliya ciidamo kooban oo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo ka caawiya sugidda amniga iyo xaqiijinta howlgalka.

Saraakiisha ciidamada ayaa guulo ka sheegtay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada Jubbooyinka, iyagoo xusay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu cirib-tirayo awooda Al-Shabaab iyo xoojinta nabadgelyada gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here