Muqdisho – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Vikram Parekh, iyo Ku-xigeenka Wakiilka Deganaanshaha ee UNDP, Christopher Laker.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dib-u-heshiisiinta, horumarinta iyo arrimaha bani’aadannimada.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada uu Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed magaalada Muqdisho kula yeelanayo madaxda iyo hay’adaha kala duwan, kuwaas oo looga gol leeyahay dardargelinta wada-shaqeynta iyo horumarinta danaha shacabka Koonfur Galbeed. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed.





