Muqdisho — Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed Xuseen Cilmi, iyo ku-xigeennadiisa ayaa maanta si diiran ugu qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya, Marwo Jing Song, oo dhawaan loo soo magacaabay xilkaas.
Kulankan ayaa xooga la saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa NCRI iyo UNHCR, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda qaxootiga, barakacayaasha, iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalka. Guddoomiyaha NCRI ayaa wafdiga UNHCR siiyay warbixin ku saabsan howlaha ay hay’addu u hayso dadka nugul iyo muhiimadda wada-shaqeynta wax ku oolka ah si loo horumariyo adeegyada la siiyo qaxootiga iyo barakacayaasha.
Marwo Jing Song ayaa bogaadisay dadaallada NCRI ka wado dalka iyo taageerada ay siineyso qaxootiga iyo barakacayaasha. Waxay sidoo kale ku ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhowrista xuquuqda dadka ay saameeyeen barakaca.
Guddoomiyaha NCRI iyo Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xarunta hay’adda, iyagoo la kulmay qaar kamid ah bulshada ka faa’iideysta adeegyada maalinlaha ah ee xarunta dhexe. Wafdiga ayaa boggaadiyay shaqada hay’adda iyo dadaallada lagu hormarinayo adeegyada muhiimka ah ee dadka barakacayaasha ah.
Guddoomiyaha NCRI ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay wafdiga UNHCR booqashada iyo wada-shaqeynta miro-dhalka ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in hay’addu ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo hirgelinta barnaamijyo waxtar leh oo u adeegaya qaxootiga, barakacayaasha iyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka.






