Dhoobley, Jubbada Hoose — Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor, oo howlo shaqo u jooga magaalada Dhoobley, ayaa kormeer ku tagay Saldhigga Dhexe ee Booliska Degmada Dhoobley.
Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta nabadgelyada degmada iyo xoojinta wada-shaqeynta ciidamada ammaanka. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo amniga guud ee degmada iyo guud ahaan gobolka Jubbada Hoose.
Intii uu ku sugnaa degmada, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa sidoo kale si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay taliyayaashii hore iyo kuwa cusub ee Booliska Degmada Dhoobley, kuwaas oo dhawaan loo soo magacaabay.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ku bogaadiyay ciidamada iyo saraakiisha shaqada amni ee ay u hayaan shacabka iyo Dowlad-Goboleedka Jubbaland, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan dadaallada amniga, isla markaana si dhow ula shaqeeyaan masuuliyiinta cusub ee degmada.






