Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu u safro magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku guddoomin doono kulan ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida ay sheegayaan wararka la helayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee guddoomiya kulan Golaha Ammaanka, taas oo loo arko guul taariikhi ah oo diblomaasiyadeed una astaan ah kororka doorka Soomaaliya ee masraxa caalamiga ah.
Inta uu socdo kulanka, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad rasmi ah, taas oo uu kaga hadli doono arrimo la xiriira mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka iyo midnimada dalka, isagoo sidoo kale ka hadli doona caqabadaha dibadda ee la sheegayo inay saameyn ku yeelan karaan midnimada Soomaaliya.
Safarkan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, isla markaana ay dadaal ugu jirto inay kor u qaaddo matalaaddeeda iyo saameynteeda Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.




