Safaaradda Turkiga oo Martigelisay Safiirka Sacuudi Carabiya u Fadhiya Muqdisho

0

MUQDISHO – Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ayaa maanta martigelisay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Muqdisho, Mudane Ahmed Mohammed Almowallad. Kulanka ayaa ahaa mid wax ku ool ah, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

 

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah looga wada hadlay fursadaha iskaashi ee ku saabsan amniga iyo horumarka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo lagu taageerayo xasilloonida, nabadgelyada iyo horumarka waara ee dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya, Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay wada-shaqeyntani u leedahay xasilloonida iyo horumarka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here