Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, xaaladda guud ee gobolka, iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada ay labada dal dano wadaag ka leeyihiin, gaar ahaan arrimaha nabadgelyada iyo horumarka.
Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u xoojinaysay xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, taasi oo salka ku haysa adkeynta midnimada dalka, ilaalinta xuduudaha, iyo sare u qaadista kaalinta Soomaaliya ee arrimaha gobolka.




