Dagaal Khasaare Badan Geystay oo ka Dhacay Deegaanka Yaaq Bariweyne

0

Wanla-Weyn, Shabeellaha Hoose – Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka Yaaq Bariweyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah, iyo koox hubeysan oo la sheegay inay horay xukunno uga riday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

 

Dagaalka, oo socday muddo kooban balse ahaa mid aad u xooggan, ayaa la soo warinayaa inuu sababay dhimashada in ka badan 10 qof, iyo dhaawacyo tiro kale ah, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah iska horimaadyadii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaan ka dhaca deegaankaas.

Wararka laga helayo goobta ayaa tilmaamaya in dadka ku dhintay dagaalka ay ka mid yihiin shakhsiyaad horay xukunno uga riday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo la sheegay inay mar kale hub qaateen.

Inkasta oo xaaladdu haatan deggen tahay, haddana ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka ee hoggaaminayay howlgalka. Waxaa weli la sugayaa faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah iyo ujeeddada howlgalka.

Deegaanka Yaaq Bariweyne ayaa horay u soo maray dagaallo beeleedyo sababay khasaare naf iyo maalba leh, kuwaas oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida xukuno ku ridday dadkii lagu helay mas’uuliyadda falalkaas, halka kuwo kalena weli baadi-goobkoodu socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here