Saraakiil ka tirsan Booliska Ghana ee AUSSOM oo la Maamuusay Baydhabo

0

Baydhabo – Afartan iyo saddex (43) sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliiska Ghana ee howlgalka AUSSOM ayaa  lagu maamuusay magaalada Baydhabo, kaddib markii ay dhawaan dalacsiin ka heleen dalkooda.

 

Isuduwaha Booliska ACP Samuel Okanta, oo ku hadlay magaca Taliyaha AUSSOM AIG Hillary Sao Kanu, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, isagoo xusay mas’uuliyadda iyo xirfadaha looga baahan yahay darajooyinkooda cusub.

Taliyaha Qaybta Booliska Gaarka ah ee Ghana, CSP Benjamin Dokurugu, ayaa saraakiisha ku boorriyay inay ilaaliyaan qiyamka iyo anshaxa adeegga booliiska Ghana iyo AUSSOM.

Saraakiishan ayaa loo dalacsiiyay darajooyinka Kormeeraha Guud, Kormeere iyo Sareeye, waxaana si rasmi ah loo soo bandhigay astaamaha darajooyinkooda cusub.

Maamuuskan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan ee ka jira gobolka Bay.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here