Ciidamada Jubaland iyo Danab Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe

0

Badhaadhe — Ciidamada Jubaland, oo ay garab siinayaan Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) kuwaas oo uu tababaro Maraykanka, ayaa saaka dib ula wareegay deegaanka Kudhaa ee ka tirsan degmada Badhaadhe, kaddib howlgallo militari oo si wadajir ah loo  ay isga kaashadeen.

 

Deegaanka Kudhaa ayaa shalay galay gacanta kooxda Al-Shabaab, kaddib weerar culus oo ay ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Jubaland. Weerarkaasi ayaa sababay khasaare naf iyo mid hantiyeed, waxaana ku dhintay askar ka tirsan Jubaland iyo dad shacab ah, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Kaddib weerarkaasi, ciidanka ayaa dib u bilaabay abaabul ciidan oo ay wada sameeyeen ciidamada Jubaland iyo Danab. Saacadihii dambe ee xalay ilaa saaka, ciidamada  ayaa fuliyay duullaan qorsheysan oo dhulka iyo hawada ah, kaas oo ugu dambeyn keentay in laga saaro Al-Shabaab deegaanka Kudhaa saacada ay gacanta ku hayeen.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in waddooyinka muhiimka ah ee deegaanka la xiray, lana sameeyay go’doomin buuxda si looga hortago in xubnihii weerarka soo qaaday ay baxsadaan. Intii uu socday howlgalka, qaar ka mid ah xubnaha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay iska-horimaadyada, halka kuwo kalena la qabtay, sida ay ilo amni.sheegeen.

Guusha howlgalka ayaa lagu tilmaamay mid ay si weyn u sahashay taageerada hawada, xogta sirdoonka, iyo isgaarsiinta oo ay bixiyeen dowladaha Maraykanka iyo Kenya, gaar ahaan taageerada ay heleen ciidamada Danab, taasoo suurto-gelisay in si degdeg ah loo xanibo dhaqdhaqaaqii kooxda weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.

Ciidamada Danab iyo kuwa jubbuland  ayaa haatan wada howlgallo nadiifin iyo sugid amni, si loo xaqiijiyo in Kudhaa ay ka xoroobeyso khatar kasta oo dib-u-soo-laabasho ah, isla markaana loo sugo ammaanka shacabka. Mas’uuliyiinta Jubaland ayaa sheegay in howlgalladu sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo xasillooni buuxda oo ka hirgasha deegaanka Kudhaa iyo guud ahaan degmada Badhaadhe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here