Golaha Wasiirrada Oo Ka Wada Hadlay Amniga Dalka iyo Howlgallada Ciidamada Qaranka

0

Muqdisho — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ka wada hadlay xaaladda amniga guud ee dalka, howlgallada socda ee ay wadaan Ciidamada Qaranka, iyo gogosha wadahadal ee ay Xukuumadda DanQaran u fidisay dhinacyada siyaasadda.

 

Kulanka, oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Golaha Wasiirradu ku bogaadiyeen Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa si gaar ah u ammaanay guusha ay Ciidamada Qaranka ka gaareen jabinta kooxda Khawaarijta ee deegaanka Kudhaa, halkaas oo argagixisadu isku dayeen in ay dhibaatooyin ka geystaan deegaannadaasi, balse ciidamada ay ka hortageen weerar naf-la-caarin ah oo ay soo qaadeen.

Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya Maamullada Dekadaha (PSC) ee Gobolka Badweynta Hindiya, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS. Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyay Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hay’adaha dowladda, iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta wada-hadalka iyo is-afgaradka siyaasadeed ee dalka.

May be an image of daisMay be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here