Muqdisho — Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta meel-mariyey Is-afgaradka ka dhexeeya Maamullada Dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya.
Is-afgaradkani wuxuu xoojinayaa iskaashiga iyo xog-wadaagga dalalka gobolka, wuxuuna gacan ka geysanayaa hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha.
Waxaa naga go’an hirgelinta shuruucda iyo siyaasadaha muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo deegaan ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, loona xaqiijiyo horumar waara oo ka faa’iideeya shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.




