Wasiirka Caddaaladda oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Qamarada Midoobey ee Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha caddaaladda, dastuurka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Labada dhinac ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan dhinacyada sharciga, maamul wanaaga, iyo dowlad-dhisidda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here