Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha maalgashi, horumarinta warshadaha, kobcinta ganacsiga, iyo doorka ay Shiinuhu ka qaadan karaan taageeridda horumarka iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ballaariyo wada-shaqeynta ganacsi iyo mid dhaqaale si ay uga faa’iideystaan labada shacab.
Dhankiisa, Safiir Wang Yu ayaa xaqiijiyay sida Dowladda Shiinuhu uga go’an tahay inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga.






