Nairobi – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Nairobi shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.
Shirkan oo ah mid muhiim u ah horumarinta iyo helidda maalgelin waarta oo lagu taageerayo adeegyada caafimaadka dalka, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaaliil, Wasiirrada Caafimaadka Dowlad-goboleedyada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, saaxiibada caalamiga ah ee taageera caafimaadka Soomaaliya, agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.
Intii uu socday furitaanka shirka, Wasiir Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada, xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, iyo hirgelinta hannaan maalgelin oo waara, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana gaara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa la filayaa in uu horseedo talooyin iyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka dalka, laguna xaqiijinayo mustaqbal caafimaad oo ka wanaagsan bulshada Soomaaliyeed.






