Howlgal Militari oo Ka Socda Jubbada Hoose iyo Xubin Al-Shabaab ka Tirsanaa oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Qaranka

0

Jubbada Hoose – Howlgal militari oo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa si xooggan uga socda gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaanka Kudhaa, halkaas oo kooxdaasi ay dhawaan ka fulisay weerarro amniga lid ku ah.

 

Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u wada Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Cutubyada Kumaandooska Nabad-Sugidda ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo laba jibbaaray dadaallada amni, kana wada howlgallo qorsheysan oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladan ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayayaan inay iska caabiyaan ciidamada, taas oo muujinaysa cadaadis xooggan oo howlgalku ku hayo kooxda, isla markaana horseeday niyad-jab iyo kala yaac ku yimid safafkooda.

Dhanka kale, Cabaas Daahir Calasow, oo da’diisu tahay 20 sano jir, kana tirsanaa Al-Shabaab, isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 11-aad ee Qeybta 43-aad, kuwaas oo ku sugan deegaanka Bar-sunguuni.

Cabaas ayaa sheegay in uu ku biiray kooxda Khawaarijta sanadkii 2022, xilli uu ku sugnaa deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu muddo ka tirsanaa kooxdaasi.

Is-soo-dhiibidda Cabaas ayaa la xiriirta jab xooggan oo Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalladii ka dhacay deegaanka Kudhaa, taas oo keentay hoos u dhac ku yimid morale-ka iyo kala daadasho ku timid xubno badan oo ka tirsan kooxda.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-Shabaab,iyaga oo mar walba soo dhaweynaya xubnaha ka tanaasula fikirka ee Al-Shabaab , kana faa’iideysta barnaamijyada dib-u-dhaqan-celinta.

No photo description available.May be an image of tree

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here