Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Wada Wadatashiyo Ku Aaddan Kulan Ay Ku Dhawaaqday

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada wadatashiyo ballaaran oo ku aaddan kulan qaran oo ay dhawaan ku dhawaaqday in uu ka dhici doono magaalada Muqdisho 1-da Febraayo 2026.

 

Wadatashiyadan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga gogol wada-hadal qaran oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo looga golleeyahay in lagu lafa-guro arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wadatashiyadu waxay diiradda saarayaan ajendaha kulanka, ka-qaybgalayaasha, iyo hab-raaca guud ee wada-hadalka, si loo xaqiijiyo in kulanku noqdo mid miro-dhal ah.

Dowladdu waxay sheegtay in wadatashiyada ay la yeelaneyso qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta, iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo aragti mideysan oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijooyinka wadatashiyada iyo jadwalka kulanka ayaa la filayaa in la shaaciyo maalmaha soo socda.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here