Guddoomiyaha SoDMA Oo Muqdisho Ka Furay Shirka Wadatashiga Qaran Ee Ka Jawaabista Abaaraha

0

Muqdisho — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Wadatashiga Qaran oo looga hadlayay xoojinta ka jawaabista deg-degga ah ee abaaraha ka jira dalka.

 

Shirkan ayaa xoogga lagu saaray doorka muhiimka ah ee ururrada ay hoggaamiyaan haweenka iyo ururrada u dooda xuquuqda haweenka, iyadoo la adkeeyay in ka qaybgalka haweenku uu yahay tiir muhiim u ah qorsheynta, gaarsiinta iyo hirgelinta gurmadka bani’aadannimo.

Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in haweenku ay door muuqda ka ciyaaraan gurmadka, isla markaana ay gacan ka geysanayaan sidii loo heli lahaa jawaabo waara oo ka jawaaba baahiyaha bulshada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta ay sida gaarka ah u saameeyeen abaaraha.

Shirka ayaa waxaa qayb ka ah hay’ado gargaarka bixiya iyo masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaasoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dowladda, hay’adaha gargaarka iyo bulshada rayidka si wax looga qabto saameynta abaaraha.

May be an image of ‎one or more people, dais, newsroom and ‎text that says "‎WOMEN WOMENE National Consultation On Drought Emergency Response With Women-Led and Women's Rights Orgnanisalie Orgna kany ljaabe linabo ベスンンャング -代 مد‎"‎‎May be an image of text that says "50 @UNG WOMENE WOMENE UN National Consultation On Drought Emergency Response With Women-Led and Women's Rights"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here