Shabeellada Dhexe— Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa guul weyn ka gaaray howlgal amni oo ka dhacay duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe, kaddib markii ay gacanta ku dhigeen keyd miinooyin iyo walxo qarxa oo ay Al-Shabaab si qarsoodi ah ugu keydsanayeen halkaasi.
Howlgalkan, oo qeyb ka ah howlgallo horey uga socday gobolka, ayaa ku yimid xog sirdoon oo sugan, taas oo suuragelisay in ciidanku si guul leh u ogaadaan goobta lagu keydinayay walxaha qarxa. Deegaanka Jabad Godane ayaa dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab, kaddib howlgallo is daba joog ah oo lagu xaqiijiyay nabadgelyada aagga.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in miinooyinka la helay ay Al-Shabaab u adeegsan jirtay khatar gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka, si ay u carqaladeeyaan xasilloonida iyo nolol-maalmeedka bulshada.
Ciidanka Ururka 161-aad Danab ayaa si buuxda u sugay amniga goobta, iyaga oo ka hortagay khatar kasta oo ka iman karta walxaha qarxa. Sidoo kale, waxaa la bilaabay tallaabooyin lagu burburinayo keydka miinooyinka, kuwaas oo loo fulinayo si waafaqsan habraacyada amniga ee ciidanka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale caddeeyay inay ka go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab, sugidda amniga dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.




