Ankara – Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa si rasmi ah magaalada Ankara ugu soo gebagabeeyay barnaamij tababar oo ku saabsan Baarista Maaliyadda, kaas oo lagu horumarinayay aqoonta iyo xirfadaha hantidhowrayaasha Soomaaliyeed.
Xafladda gebagabada barnaamijka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga, laba ka mid ah Ku-xigeennadiisa, iyo Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda TİKA. Dhanka Soomaaliya, Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxaa matalay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud, Mudane Cabdijamal Ismaaciil.
Intii uu socday tababarku, waxaa sidoo kale la qabtay kulamo doceedyo muhiim ah oo u dhexeeyay hoggaanka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga, iyo Hay’adda TİKA. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay’adeed, wadaagga khibradaha farsamo, iyo ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada baarista iyo isla-xisaabtanka maaliyadda.
Hay’adda TİKA ayaa mar kale adkaysay ballanqaadkeeda ku aaddan taageerada iyo dhismaha awoodda Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, iyadoo xooga la saarayo tababarrada xirfadeed iyo horumarinta nidaamyada hantidhowrka.
Dhankiisa, Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa uga mahadceliyay Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo Dowladda Turkiga martigelinta, tababarka tayadiisu sarreyso, iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee labada dhinac.
Gabagabada barnaamijka, hantidhowrayaashii ka qaybgalay tababarka ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin, taas oo muujinaysa guusha barnaamijka iyo doorka uu ka qaadanayo xoojinta baarista maaliyadda, hufnaanta, iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda Soomaaliya.






