Ra’iisul Wasaare Itoobiya oo Jigjiga ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Jabuuti

0

Jigjiga – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa maanta ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Jigjiga, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo halkaas u tagey ka qeybgalka daah-furka mashaariic horumarineed.

 

Labada hoggaamiye ee martida ah waxaa loogu sameeyay soo dhaweyn diirran oo maamuus leh, taasoo muujineysa xiriirka diblomaasiyadeed ee dhow ee ka dhexeeya saddexda dal ee deriska ah.

Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaysa wada-shaqeynta iyo iskaashiga gobolka ee Itoobiya, Jabuuti, iyo Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo arrimo muhiim ah

ka qeybgalka mashaariicda horumarineed ayaa sidoo kale loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya saddexda waddan.

May be an image of one or more people, suit and text

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here