Wasiirka Gaashaandhigga oo Ka Hadlay Diyaaradaha Hawada Laga Celiyay ee Siday Ciidamada Ilaalada Puntland iyo Jubaland

0

MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag u naqdiyey hab-dhaqanka hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), isagoo ku eedeeyay inay caasimadda dalka u yimaadaan qaab u eg dagaal-galeen hubeysan.

 

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarado siday ciidamo tiro badan oo ilaalo u ahaa labada madaxweyne, kuwaas oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa caddeeyay in dowladda aysan aqbali karin ciidamo aan ka tirsanayn kuwa qaranka in lagu soo dhex daro goobaha xasaasiga ah ee caasimadda.

Wasiir Fiqi ayaa qoraal uu baahiyay ku tilmaamay arrin la yaab leh in madaxdaas marka ay u safrayaan magaalooyinka Addis Ababa, Nairobi iyo Dubai ay u safraan si caadi ah, iyagoo raacaya nidaamka socdaalka sida muwaadiniinta kale, balse marka ay u soo safrayaan Muqdisho, oo ah caasimaddooda, ay la yimaadaan ciidamo hubeysan oo aad u badan.

Isagoo ka hadlayay ujeedka ciidanka tirada badan, Wasiirku wuxuu yiri:
“Ma wadahadal ayay u socdaan, mise dagaal, mise waa dhoola-tus ciidan oo fariin loo dirayo dhinacyo kale?”
Wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sugto amniga madaxda caalamiga ah ee Muqdisho yimaada, kuwaas oo ku kalsoon ciidanka qaranka, sidaas darteedna aysan habboonayn in madaxda Soomaaliyeed ay keensadaan ciidamo gaar ah oo aan la aqoonsan, halkii ay ku kalsoonaan lahaayeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hoosta ka xarriiqay in muuqaal hubeysan oo aan habboonayn, iyo keenista ciidamo aan la garanayn oo la dejiyo huteellada ku dhow Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho, oo ah aag amni oo aad u xasaasi ah isla markaana ay ku yaallaan safaarado caalami ah, ay tahay arrin khaldan oo aysan Dowladda Federaalka ku garab siin doonin hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here