Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Geeska Afrika

0

Muqdisho — Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ciise Maxamuud Mursal, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Geeska Afrika (OSESG), Mudane Huang Cong, oo ay weheliyeen Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Mudane James Swan.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Hamza Haadow, iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bariga Afrika, Mudane Maxamed Faatiir, iyo mas’uuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan.

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu gorfeeyay xaaladaha isbeddelaya ee Geeska Afrika, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabadda, xasilloonida iyo wada-shaqeynta dalalka gobolka. Wasiir Ku-Xigeenka ayaa caddeeyay diyaar-u-ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah inay door wax ku ool ah ka qaadato xoojinta nabadda, amniga iyo iskaashiga gobolka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo isku-duwid dadaallada caalamiga ah, iyo kaalinta lama huraanka ah ee ay leeyihiin ururrada gobolka iyo kuwa qaaradda Afrika ee lagu xaqiijinayo xasillooni waarta iyo nabad joogto ah.

Kulankan ayaa muujinaya xiriirka wada-shaqeyn ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, si loo taageero nabadda iyo horumarka gobolka Geeska Afrika.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here