Ciidanka Nabadsugidda Jubaland oo Biyo-dhaamin u Sameeyay Qoysas Danyar ah oo ku Nool Galbeedka Kismaayo

0

Kismaayo — Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland, gaar ahaan taliska gacanta ku haya Koontaroolka Via-Afmadow, oo ah goob muhiim ah oo laga hubiyo dadka isaga kala goosha magaalada Kismaayo iyo gobollada kale, ayaa maanta biyo-dhaamin u sameeyay qoysas badan oo danyar ah oo ku nool deegaanno ka tirsan galbeedka magaalada Kismaayo.

Deegaannada ay ciidanku gaarsiyeen biyaha ayaa waxaa ka mid ah Bilicsan, Wayyaama-Geeddoow, Dabbiriq, Hadaafoow, Galool-Yaryar iyo Abaq-Bambaale, kuwaas oo dhammaantood ay ka jirto biyo-la’aan baahsan oo halis ah, taas oo si weyn u saameysay nolol-maalmeedka bulshada ku dhaqan deegaannadaas.

Axmed Cabdulqaadir Cali, Taliyaha Amniga Koontaroolka Via-Afmadow, oo hoggaaminayay hawlgalka biyo-dhaaminta, ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumayso garab-istaagga ciidamada amniga ee bulshada danyarta ah. Waxa uu intaa ku daray in Maamulka Jubaland iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu sida daran u saameysay ee ku nool deegaannadaas.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay hay’adaha samafalka, ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan gurmadka degdegga ah, maadaama abaaro baahsan ay ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and text that says "ድድ BENNACER 4 SMAYO EERARNET"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here