Jowhar — Ciidanka AUSSOM ee ku sugan Qaybta 1-aad ayaa maanta qaatay tababar takhasusi ah oo ku saabsan sida loo isticmaalo diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn, kaas oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Jowhar. Tababarka waxaa fududeeyey Qaybta Adeegga Teknolojiyada ee UNSOS.
Tababarka ayaa looga gol leeyahay in sare loo qaado sirdoonka iyo xuuraanka, lagu horumariyo qorshaynta xeeladaysan iyo wax-ku-oolnimada roondooyinka, isla markaana ciidanku xooga loo siiyo xog-ururin degdeg ah iyo xoojinta diyaargarowga hawlgaleed ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Duruskan ayaa isugu jiray qoraal iyo baraaktik ku saabsan hawlgallada diyaaradaha yaryar, dayactirkooda, duulistooda xilliga habeenka, iyo maareynta xogta, iyadoo diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn loo arko agab muhiim ah oo gacan ka geysan kara hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidamada AUSSOM iyo UNSOS ku xoojinayaan heerka farsamo iyo amni ee hawlgallada laguna xaqiijinayo badbaadada shacabka iyo sugnaanta gobolka.






