Muqdisho — Agaasimaha Guud ee Difaaca Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdulqaadir Abuukar Maxamed, iyo Safiirka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King, ayaa maanta si wadajir ah u soo xiray tababar loo qabtay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Tababarka ayaa diiradda saaray horumarinta xirfadaha isgaarsiinta ee hawlgallada ciidanka, iyadoo masuuliyiintu ku boorriyeen saraakiisha ka qaybgalay inay si hufan u adeegsadaan xirfadaha cusub ee ay barteen, si loo xoojiyo amniga qaranka loona taageero howlgalada socda ee dalka.
Intii ay socotay munaasabadda xiritaanka, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu wareejiyay qalab warbaahineed oo ay bixisay Dowladda Ingiriiska, kaas oo gacan ka geysan doona tayeynta isgaarsiinta iyo tabinta howlaha ciidanka.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah (JOCC), Sarreeye Gaas Maxamed Bariise, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday saaxiibada caalamka.





