Ciidamada Suudaan oo iska caabiyay weerar ay RSF ka geysatay Galbeedka Darfur

0

Darfur – Guddoomiyaha gobolka Darfur, Minni Minnawi, ayaa sheegay in ciidamada Suudaan iyo xoogagga xulafada la ah ay iska caabiyeen weerar xooggan oo ay ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ku qaadeen deegaanka Bir Sleiba ee Galbeedka Darfur.

 

Weerarka ayaa yimid toddobaadyo kadib markii ciidamada Suudaan iyo xoogagga wadajirka ah ee dhaqdhaqaaqyada hubaysan ay ku dhawaaqeen inay dib ula wareegeen Bir Sleiba, kadib dagaallo ay halkaasi kula galeen RSF bishii Luulyo.

Bir Sleiba ayaa ku taalla waqooyiga magaalada Al Junaynah, xarunta gobolka Galbeedka Darfur, waxaana loo arkaa goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah waddooyinka gala magaalada, taas oo ka dhigtay goob ay marar badan ku dagaallamaan RSF iyo ciidamada Suudaan iyo xulafadooda.

Minnawi ayaa sheegay in RSF ay weerarka ku qaaday Bir Sleiba iyagoo adeegsanaya laba cutub oo ciidan ah, balse ciidamada weerarka soo qaaday laga adkaaday. Si kastaba, ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhinaca kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in 6,650 qof ay ka barakaceen 11 tuulo oo ku yaalla degmada Sirba ee Galbeedka Darfur, kadib markii xaaladda amni ay sii xumaatay, isla markaana ay halkaasi ka dhaceen iska horimaadyo. Dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo RSF ayaa dalka ka socday tan iyo Abriil 2023, waxaana colaadda ka dhalatay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin kale.

IOM ayaa sheegtay in dhammaadkii Juun 2026 ay gudaha Suudaan ku barakacsanaayeen ku dhawaad 8.69 milyan oo qof, halka in ka badan 4.64 milyan oo qof ay ku laabteen deegaannadooda ama dalka dibaddiisa uga soo noqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here