Muqdisho – Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa soo saaray go’aan maamul oo 12 kulan looga joojiyay ka qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Gole Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay qalalaaso iyo ku xadgudub xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare, oo uu Senatorku ku kacay intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen, kaas oo qabsoomay 7-dii Febraayo, 2026.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu ilaalinayo habsami u socodka fadhiyada Golaha iyo xeer-hoosaadka Aqalka Sare, si loo hubiyo in kulamada wadajirka ah ay u dhacaan si nidaamsan oo sharci waafaqsan.







