Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, si uu qiimeyn ugu sameeyo heerka adeegyada kala duwan ee loo fidiyo bulshada iyo habsami u socodka hay’adaha ka hawlgala garoonka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si dhow u eegay adeegyada muhiimka ah ee garoonka, kuwaas oo ay ka mid yihiin adeegga caafimaadka, maamulka socdaalka, amniga, iyo howlaha dhoofinta iyo soo-dhaweynta rakaabka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista tayada adeegyada, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan, degdeg ah, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah ee garoomada diyaaradaha.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay cabashooyin iyo tallooyin ay la wadaageen qaar ka mid ah shacabka safafka ugu jiray helidda adeegyada garoonka. Wuxuu faray maamulka iyo howlwadeennada garoonka inay muujiyaan mas’uuliyad dheeri ah, isla markaana mudnaanta siiyaan fududeynta adeegyada rakaabka, gaar ahaan dadka ku jira xaalado adag ee u baahan tixgelin gaar ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku boorriyay dhammaan hay’adaha ka hawlgala garoonka inay labanlaabaan dadaalkooda ku aaddan u adeegidda bulshada iyo ilaalinta sumcadda garoonka, isagoo xusay in Garoonka Aadan Cabdulle uu yahay albaabka koowaad ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay inuu ka tarjumo horumarka iyo haybadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, oo sii wada dhageysiga tallooyinka bulshada ee ku aaddan adeegyada hay’adaha dowladda, ayaa ballanqaaday in aan la aqbali doonin cabashooyin ka yimaada xarumaha dowladda, isla markaana Xukuumaddu tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata dayacaad ama masuuliyad darro. Wuxuu xusay in kormeerradii hore ee uu sameeyay ay horseedeen xallinta cabashooyin badan oo ka jiray garoonka.

May be an image of one or more people, suit and textMay be an image of ‎ticket stub and ‎text that says "‎الفيدرالية الصومال جمهورية الصمة دزارة الفيدرالية الصوهال جمهورية الجتبع عاية الصحة دزارة FEDERAL GOVERNMENT SOMALIA Cenm FEDERAL GOVERMMENT TH AND HUMAN MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES TON ភ៉ំពៃយ 4AS (2005) الدولبية الصحية الأواتة دولية تطعيم شهادة NINI NHEINN SN.T 30정방라 SOMALIA 보신지 מוש HUMAN SERVICES ALTHREGULATIONSRO0S) LCERTIFIGATEQI OF SERVICES FATION SERVICES HEALTH AND HUMAN 2ล CERTIFICATEC OF 37966 TRY INTERNATIONAL SERVICES PORT HEALTH R807968 699546 043667 24300 19488 OR Code) FBERAL FAERALCOVEKEKTOFSOMALIA MINISTRY OF PEΑΣΗ 녹액전 2 (2005) T自RNAT特演交迎、写方CATEOF OF PORT R007911 116264 532428 481184 (Scan OR Code) INTERNAEPU INTEREATIONALE EECIFICATE VACEINATION 507585 660095 RO87981 (Scan OR Codel‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here