Baarlamaanka Federaalka oo Dhammeystiray Doodda Cutubka Shanaad ee Dastuurka KMG ah

0

Muqdisho, Soomaaliya — Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 13-aad, kaas oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim.

 

Kulanka waxaa sidoo kale ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa doodda qodobbada Cutubka Shanaad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah (KMG), iyadoo Xildhibaannada labada Aqal ay sii amba qaadeen falanqeynta iyo ka doodista qodobada la xiriira cutubkan muhiimka ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay dooddii la xiriirtay Cutubka Shanaad ee Dastuurka KMG ah. Waxa uu sidoo kale xusay in kulanka xiga, oo dhici doona maalinta Sabtida, la bilaabi doono doodda Cutubka Lixaad ee Dastuurka.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Baarlamaanka Federaalka ee lagu dhammeystirayo dib-u-eegista iyo ka shaqeynta Dastuurka KMG ah ee dalka.
May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here