Kismaayo – Dowladda Jubaland ayaa si adag u cambaareysay dagaallada iyo xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, iyadoo ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hurinayso colaad ka taagan deegaannada Puntland, gaar ahaan gobolka Mudug.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Jubaland ayaa lagu sheegay inay tahay arrin laga xumaado in xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay weli dagaal kula jiraan Al-Shabaab, hub iyo saanad ciidan loo weeciyo deegaanno nabdoon, halkii loo adeegsan lahaa furimaha dagaalka ee lagula jiro kooxda.
Maamulka Jubaland ayaa sheegay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay halis ku yihiin nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada, isla markaana ay wiiqayaan dadaalladii mudada dheer lagu soo celinayay amniga magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale, Jubaland waxay bogaadisay shacabka iyo maamulka Puntland, iyadoo ku ammaantay sida ay uga hortagayaan waxa ay ku tilmaantay qorshe lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubaland. Labada dhinac ayaa muddo sanado ah isku hayay arrimo la xiriira awood qaybsiga, doorashooyinka iyo hannaanka federaalka, waxaana khilaafkaasi marar kala duwan isu beddelay iska hor imaadyo ciidan.
Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ayaa ka dhacay deegaanka Raas Kambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ciidamada Jubaland iyo ciidamo dowladda Federaalka taageersan ay ku dagaallameen, taasoo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee labada dhinac.
Jubaland waxay hadda ku doodaysaa in waxa ka socda Gaalkacyo ay la mid yihiin dhacdooyinkii hore ee ka dhacay Raas Kambooni, iyadoo ku eedeysay Dowladda Federaalka inay hurinayso colaado gudaha ah oo ka dhex aloosan maamullada dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha ay usoo jeediyeen Jubaland iyo Puntland.





