Ra’iisul Wasaaraha JFS oo Booqasho ku Tegay Madaxweyne Hore Shariif Sheekh Axmed

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta booqasho ku tagay Madaxweyne hore, Mudane Shariif Sheekh Axmed, xilli ay socdaan diyaar garowga iyo shirka wadahadalka u dhexeeya dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

 

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Ra’iisul Wasaaraha uu ku muujinayo niyad-wanaagga iyo xiriirka dhow ee ay dowladda la leedahay madaxda hore ee dalka, si loo abuuro jawi xasilloon oo lagu gaari karo is-afgarad siyaasadeed oo waara.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare hore, Mudane Xasan Cali Kheyre, oo sidoo kale xubin ka ah Golaha Mustaqbalka, iyadoo ay labada dhinac ka wada hadleen arrimaha amniga, siyaasadda, iyo geeddi-socodka wadahadalka ee socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in gogosha dowladda ay mar walba fidsan tahay, isla markaana albaabku u furan yahay dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee danaynaya wada-xaajoodka. Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda lagu gaarayo xal looga wada tashado arrimaha taagan, si Soomaaliya ay horey ugu tallaabsato loogana xoreeyo cadowga Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intaa ku daray in ay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada lagu soo af-jarayo faragelinta dibadda ee ku saabsan arrimaha gudaha dalka, islamarkaana kor loo qaado isku duubnida siyaasadeed ee qaran.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is afgarad guud oo ku saabsan sii xoojinta wada-hadallada, iyadoo labada dhinac ay ku baaqeen in si wadajir ah loo dhiso mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here