Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, waxaana wehliyey Taliyaha TURKSOM, Major General Sebahattin Kalkan, kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed iyo TURKSOM.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashada ay ku yimaadeen Baydhabo, isagoo bogaadiyey doorka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo TURKSOM ay ku leeyihiin tayeynta ciidamada, horumarinta awoodda difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga shacabka.
Dhankooda, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha TURKSOM, Major General Sebahattin Kalkan, ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda Koonfur Galbeed si loo xoojiyo amniga loona dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Amniga ee Dowladda Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, sii hayaha Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, iyo saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.




