Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo Muqdisho Ku Qaabilay Farmaajo

0

Muqdisho – Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Said Abdullahi Deni iyo Ahmed Mohamed Islam, ayaa Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo oo booqasho ugu yimid.

 

Kulanka ayaa la sheegay in uu ahaa is-xog wareysi iyo falanqeyn ku saabsan arrimaha siyaasadeed iyo xaaladda guud ee dalka. Ilo wareedyo ku dhow dhinacyada kulmay ayaa tilmaamay in wada-hadalladu diiradda saareen is-afgarad siyaasadeed iyo sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka jira.

Kulamadan ka socda Muqdisho ayaa loo arkaa gogol-xaar u ah shir ay dowladda federaalku ku baaqday, kaas oo la doonayo in xal looga gaaro arrimaha muranka ka taagan yahay, gaar ahaan doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Dadaalladan ayaa imanaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed, islamarkaana loo baahan yahay wada-tashi ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada si loo gaaro heshiis mideeya dhinacyada kala aragti duwan.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here