Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta, oo uu hoggaaminayay Dr. Mohamed Ould Amar, Xoghayaha Guud ee ALECSO (Hay’adda Jaamacadda Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Culuumta).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, culuumta iyo kobcinta iyo kor u qaadidda luqadda Carabiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga siiyay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka, horumarka laga gaaray dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska hey’adaha dowladda, iyo sidoo kale dadaallada lagu tayeynayo nidaamka waxbarashada dalka.
Dhankooda, wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda sii ambaqaadidda iskaashiga waxbarasho, iyaga oo xusay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii ururrada waxbarashada caalamiga ah, isla markaana la sameeyay horumar muuqda oo lagu tayeynayo heerarka waxbarashada. Waxay sidoo kale caddeeyeen in Jaamacadda Carabtu diyaar u tahay inay bixiso fursado iyo deeqo waxbarasho oo kala duwan oo ay ka faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay horumarinta luqadda Carabiga oo ah luqadda labaad ee dalka, isla markaana leh mudnaan gaar ah marka loo eego doorka ay ku leedahay aqoonta, diinta Islaamka iyo xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka Carabta.






