Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo Kulan Wada-tashi ah la Qaatay Jaaliyadda Cape Town

0

Cape Town — Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika, Mudane Maxamad Sheekh Isxaaq, ayaa kulan ballaaran oo is-xogwaraysi iyo wada-tashi ah la qaatay qaybo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, Odayaasha Dhaqanka iyo qaar ka mid ah Imaamyada masaajidda ku yaalla magaalada Cape Town.

 

Kulanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga dhageystay cabashooyinka, talooyinka iyo baahiyaha ay qabaan xubnaha bulshada.

Safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka Jaaliyadda, isaga oo ku boorriyay inay muujiyaan iskaashi iyo isku duubni si ay u xoojiyaan sumcadda iyo doorka ay ku leeyihiin bulshada ay la nool yihiin. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay inay si dhow ula shaqeeyaan Safaaradda, si wadajir ahna looga shaqeeyo horumarinta danaha Jaaliyadda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Safaaradda ay ku dooneyso inay ku dhageysato ugana jawaabto baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here