Algiers — Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Algeria, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Amniga Qaranka dalkaas, Cali Badaawi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, gaar ahaan la dagaallanka dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka tallaaba, iskaashiga tababarada gaarka ah iyo dhisidda aqoonta ciidamada, la dagaallanka dambiyada internetka (cybercrime), iyo horumarinta baarista dambiyada iyadoo la adeegsanayo sayniska iyo farsamada casriga ah.
Sidoo kale, kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Algeria, Ambassador Yuusuf Jeego, iyo xubno ka tirsan saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka amni ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria, iyo sare u qaadidda tayada iyo awoodda hay’adaha amniga ee labada dal.







