UK oo ku baaqday tanaasul kadib shirkii doorashadda oo natiijo la’aan ku dhammaaday

0

MUQDISHO – Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay shirkii dhowaan ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, inkastoo ay muujisay niyad-jab la xiriirta in aan weli la gaarin is-afgarad.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay safaaradda ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca wada-hadalka, balse ay tahay wax laga xumaado in aan heshiis laga gaarin arrimaha weli taagan.

“Waa niyad-jab in aan weli la gaarin is-afgarad,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Boqortooyada Midowday ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka jira, iyadoo kaashaneysa la-hawlgalayaal caalami ah.

Safaaradda ayaa sidoo kale xustay inay xiriir la leedahay dhammaan dhinacyada, iyadoo ku boorrisay hoggaamiyeyaasha inay muujiyaan tanaasul isla markaana ay sii wadaan wada-hadallada si loo gaaro xal waara.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo nidaamka dowladnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here