Safiirka Cusub ee Soomaaliya u Fadhiin doona Azerbaijan oo Gudbiyey Waraaqaha Aqoonsiga

0

Baku — Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah u gudbiyey nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjiranimo.

 

Waraaqaha aqoonsiga waxaa ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Jeyhun Bayramov, munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa Wasiirka iyo Safiirka ay yeesheen isbarasho rasmi ah, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, dhaqaalaha iyo wada shaqeynta caalamiga ah.

Ugu dambayn, Safiirka ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada shaqeynta miro-dhalka ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Azerbaijan, isaga oo xusay in uu ka shaqeyn doono horumarinta danaha labada shacab.No photo description available.May be an image of text

No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here