Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Wasiiru Dowlaha Horumarinta Caalamiga ah iyo Arrimaha Afrika ee Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, Marwo Baroness Chapman, ayaa maanta si wadajir ah u shir guddoomiyay kulan fogaan-arag ah oo looga wada hadlayay xaaladda bini’aadannimo ee dalka, gaar ahaan saameynta abaarta ba’an iyo baahida gargaarka degdegga ah.
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay deeq-bixiyeyaal, hay’ado caalami ah iyo mas’uuliyiin heer sare ah, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada lagu gaarsiinayo bulshada ay abaartu saameysay.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta, asagoo tilmaamay in qiyaastii 6.5 milyan oo qof ay la ildaran cunto yari, halka in ka badan 2 milyan oo qof ay noloshoodu halis ku jirto islamarkaana nafaqo-darradu sii xumaaneyso.
Shirka waxaa sidoo kale ka qaybgalay wakiillo ka socday hay’ado ay ka mid yihiin
Bangiga Adduunka,Midowga Yurub,OCHA,WFP,FAO,IFAD,Save the Children,Oxfam,CARE International iyo hay’ado kale oo daneeya arrimaha gargaarka bini’aadannimo iyo horumarinta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii bishan Febraayo u gudbisay beesha caalamka qorshe dhammaystiran oo looga jawaabayo xaaladda abaarta, kaasoo xooga saaraya sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda bulshooyinka Soomaaliyeed ee u adkeysiga musiibooyinka.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa shirka soo xiray isaga oo uga mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha iyo deeq-bixiyeyaasha ballanqaaday maalgelinta qorshaha ka jawaabista cunno-yaraanta iyo nafaqo-darrada, kuna boorriyay in la dardargeliyo fulinta taageerada si loo xoojiyo gurmadka iyo horumarinta waarta ee dalka.






