
Tehran— Israel ayaa duqeyn milatari ku qaaday Iran, iyadoo qaraxyo la maqlay laguna arkay guud ahaan caasimadda Tehran, sida ay ku warantay warbaahinta caalamiga ah. Israel ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in ay bilowday weerar gantaallo oo ka dhan ah dalka Iran.
Warbixin uu bixiyay wakaaladda Fars News Agency ayaa sheegtay in gantaallo ay ku dhaceen University Street iyo aagga Jomhouri ee Tehran, halka qaar ka mid ah gantaallada ay cirka ka duuleen, sida ay ku warantay Al Jazeera.
Mas’uul Mareykan ah oo Al Jazeera la hadlay ayaa sheegay in weerarradan ay qeyb ka yihiin hawlgal milateri oo wadajir ah, iyadoo Mareykanku diyaariyay xulafad ballaaran oo diyaarado dagaal iyo markab dagaal leh si cadaadis loogu saaro Iran, gaar ahaan arrinta barnaamijkeeda nukliyeerka.
Wakaaladda Associated Press ayaa sheegtay in duqeynta caasimadda ay ka dhacday meel u dhow xafiisyada Hoggaamiyaha Sare, Ayatollah Ali Khamenei. Sidoo kale, wakaaladda Tasnim News Agency ee Iran ayaa sheegtay in qaraxyo ka dhacay aagga Seyyed Khandan ee waqooyiga Tehran.
Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa weerarka ku sifeeyay mid hori-istaag ah, isagoo sheegay in ujeedadu tahay “in laga saaro khataraha ku wajahan Dowladda Israel.”
Ciidamada Israel ayaa sidoo kale digniin hore u bixiyay iyadoo la adeegsaday siren-yada, si bulshada looga digayo in ay diyaar u noqdaan gantaallo la soo tuuri karo. Hay’adda Garoomada Israel ayaa xirtay dhammaan duulimaadyada rakaabka, iyadoo bulshada looga digay in aysan imaan garoomada diyaaradaha.
Safaaradda Mareykanka ee Qatar ayaa shaqaalaha ku amartay in ay guryahooda ku sugnaadaan, iyadoo dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ku boorrisay in ay tallaabadaas qaadaan ilaa amar dambe.
Weerarka Israel ayaa imanaya xilli dhowr jeer fashilmay wadahadalladii u dhaxeeyay Tehran iyo Washington, taasoo kor u qaadi karta khatarta in dagaal toos ah uu ka dhaco Bariga Dhexe.



